28ka Nov. oo loo Qabtay Doorashada K. Galbeed



Maanta waa 17-ka Novembar, waana maalintii loo muddeeyay inay qabsoonto doorashada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Hase ahaatee doorashadaasi ayaa dib u dhacday muddo laba todobaad ah, waxaana lagu wadaa inay qabsoonto 28ka bishan.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyeen xubno lagu dhameystirayey Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed, oo xubno horey isu casileen.

Wariyaha VOAda Muqtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan inoo soo diray.



Source link

Waaxda sirddoonka Mareykanka oo ku eedeeysay dilka Kaashugji Maxamed Bin Salmaan


Dadka dhaliila waxay aaminsan yihiin in dhaxal sugaha uu dilka wax ka ogaa

Lahaanshaha sawirka
AFP

Image caption

Dadka dhaliila waxay aaminsan yihiin in dhaxal sugaha uu dilka wax ka ogaa

Waaxda sirddoonka Mareykanka ee CIA ayaa rumaysan in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu kasoo baxay amarka lagu dilay weriye Jamaal Kaashugji, sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.

illo wareedyo ku dhaw waaxdan ayaa faahfaahin ka bixiyay qiimaynta lagu sameeyay caddeymaha la hayo.

Waxay sheegeen inaysan garaneynin cidda dambiga gaysatay balse ay filayaan in howlgalka noocaasi ah ee lagu dilay Jamaal uu ahaa mid isaga uu qalinka ku duugay.

Shir jaraa’id oo uu Khamiistii ku qabtay magaalada Riyaad ayuu ku sheegay ku xigeenka dacwad oogaha, Shalaan bin Rajih Shalaan, in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda markii uu dhintay.

Lahaanshaha sawirka
EPA

Image caption

Dhaxal Sugaha Sacuudiga ayaa la kulmay wiilka Khashogg, ee Saalax

Hilbihii ayaa loogu dhiibay qof “shaqaale” maxalli ah, meel dibadda ah. Sawir gacmeedka qofka shaqaalaha ah ayaa la sameeyey, waxaana socda baadigoob lagu hayo halka hilbihiisa laga heli karo.

Trump: dilka Khaashuqji waxaa loo qariyey “si aan taariikhda horay loogu arag”

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo cadaadis xooggan lagu hayo

“Khaashuqji ayaa lagu duray cirbad sun ah, ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar” ayuu ku sii daray.

Lahaanshaha sawirka
AFP

Image caption

2 Oktoobar ayey ahayd markii ugu dambaysay ee la arko Khaashuqji

Dowladda Sucuudiga waxay beenisay eedeymaha ah in Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa qorshaha lagu dilay Kaashugji.

Weriye Jamaal Kaashugji ayaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilaya gudaha qunsuliyadda Istanbul, ilaa iyo haataan meydkiisa lama helin.

Turkiga wuxuu ku adkeysanayaa in amarka lagu dilay Kaashugji uu kasoo baxay taliska ugu sarreyo Sucuudiga.

Waxaa dalka Sucuudiga ka socdaa Salaatul qaa’ib lagu tukanayo maydka Jamaal Kashuugji.



Source link

Somaliland oo diiwan gelinaysa xirfadlayaasha caafimaadka


Xayeeysiinta dhaqaatiirada oo la mamnuucay

Image caption

Sawir hore: Xayeeysiinta dhaqaatiirada oo la mamnuucay

Goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayaa si xawli leh ugu sii badanaya deegaanada ay Soomaalida degto, waxaana walaac laga muujinaya arrintaasi oo la sheegay inay saameyn ku yeelan karto caafimaadka dadweynaha qaar ee qaata dawooyinka aanan la hubin tayadooda.

Shacabka qaar ay qabaa in aan si buuxda loogu kalsoonaan karin tayada adeegga caafimaad ee goobaha qaar.

Guddiga mihnadlayaasha caafimaadka ee Somaliland waxay dhawaan go’aamiyeen in lakala hufo guud ahaan bahda ku shaqaysata xirfadda caafimaadka guud ahaan deegannada halkaasi.

Guddoomiyaha guddiga mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland, Dhakhtar Axmed Xaashi Nuur ayaa sheegay inay wadaan kormeer ay ku ogaanayaan tayada adeegyada ay bixiyaan goobaha caafimaadka,shaqaalaha iyo sharciga ay ku shaqeeyaan isla markaasna ay diiwaan gelinayaan sii looga shaqeeyo sare u qaadidda caafimaadka shacabka.

Wuxuu ka digay dadka ajaanibta ah sida sharci darrada uga howlgalayo goobaha caafimaadka ee aanan la lahayn khibrad ama sharci aanan ka haysanin wasaaradda caafimaadka.

“Marka hore ninkii dhakhtarka ahaa ayaan ka bilaabnaynaa, marka dambena dawadii ayaan usoo noqonaynaa, Farmasiyada dalka waxay xad dhaafeen” ayu yirii Axmed Xaashi.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhakhaatiirta Sacuudiga oo “ku qancay” caafimaadka xoolaha Somaliland

Waxaa laga digaya tirada Farmasiyada kusii badanaya guud ahaan deegannada Soomaalida ee aanan bixin dawooyin tayeysan.

“Sharciga Farmasiga wuxuu dhigaya in ugu yaraan Farmasiyada ay isku jiraan ugu yaraan ilaa 150 miitar” ayuu yiri dhakhtar Axmed.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ka ganacsiga dawooyinka macmalka ah ee dunida waxaa lagu qiyaasaa inuu gaaray 30 bilyan oo doolar, taas oo saddex goor labo laabantay shantii sanadood ee ugu dambaysay.



Source link

Jamaal Khaashuqji: Salaatul qaai'ib looga dukaday Sacuudiga iyo Turkiga


Dad badan oo ka soo qayb galay salaadda janaasada oo loogu dukanayey Khashuqji masaajid ku yaallo Istanbul

Lahaanshaha sawirka
Getty Images

Image caption

Dad badan oo ka soo qayb galay salaadda janaasada oo loogu dukanayey Khashuqji masaajid ku yaallo Istanbul

Masaajidda ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa salaadda janaasada looga tukaday wariye Jamaal Khaashuqji ee la dilay.

Saalax jamaal oo ah wiil uu dhalay Khaashuqji ayaa ka qayb galay munaasabad aabbihii loogu duceynayey oo lagu qabtay magaalada Jiddah. Sida oo kale dad boqollaal ah ayaa ka soo qayb galay salaadda janaasada qaai’ibka oo Khashuqji looga tukaday Meka, Madiina iyo Istanbul.

Jamaal Khaasuqji oo 2-dii bisha October lagu dilay qunsuliyadda sacuudiga ee Istanbuul waxaan weli waxaan war ah laga haynin meydkiisa halka uu ku dambeeyey.

Boqortooyada sacuudiga ayaa waxay sheegtay dilka Jamal amarkiisa inuu ka soo baxay xubno ka tirsan sirdoonka Sacuudiga balse Dhaxal sugahaha boqortooyada Amiir Maxammed Bin salmaan uu wax shaqo ah ku lahayn.

Turkigana wuxuu ku adkeysanayaa amarka dilka Khaashuqjii inuu ka soo fulay madaxda ugu sarreysay boqortooyada Sacuudiga.

Waxaa maanta salaadda janaasada Sacuudiga iyo Turkiga looga dukaday Khaashuqji iyada oo aan meydkiisa weli la helin taasoo qoyska Khaashuqjii ay uga dhigan tahay in meydka Jamaal in la helo inaan rajo badan laga qabin.

Lahaanshaha sawirka
Getty Images

Image caption

Dad badan oo ka soo qayb galay munaasabadda looga duceeynayey Khaashuqji oo Istanbul lagu qabtay

Lahaanshaha sawirka
Getty Images

Image caption

Imaam dadka tujinaya salaadda qaa’ibka ee Khaashuqji Istanbul looga dukaday

Magaaladda Jidda waxaa lagu qabtay munaasabad baroordiiq ah oo lagu casuumay iney ka soo qayb gasho cid kasta oo dooneyso iney qoyska Khaashuqji u tacsiyeyso.

Lahaanshaha sawirka
Getty Images

Image caption

Saalax Khaashuqji oo qaabilay dadka uga tacsiyadeynaya geerida aabbihii

Bishii hore Saalax Jamaal oo ah nin Sacuudiga u dhashay dhalasha Mareykanna haysta wuxuu magaalada Riyadh uu kula kulmay Boqorka Sacuudiga boqor Salmaan iyo Dhaxal sugaha Amiir Maxammed bin-Salmaan iyaga oo qoyska Khaashuqji u tacsiyadeeyey.

Marki xayiraadda safarka ee saarneyd Saalax laga qaadayna wuxuu u safray Magaalada washington. Xilli uu ku sugnaa Mareykankana wuxuu CNN uu u sheegay inuu doonayo iney aabbihii ku aasaan Madina marka meydkiisa la helo.

Saalax wuxuu intaa raaciyey “waxaan dooneynaa inaan aabbahey si sharaf iyo maamuus leh u aaso”.

Gabadha uu Khaashuqji guursan lahaa Hatice Cengiz, mar sii horreysay waxay BBC-da u sheegtay waayitaanka Jamaal Khaashuqji iney uur ku taallo ku abuurtay “xitaa ay ismacasalaameynin marki ay kala tageen ee isugu dambeysay” ilaa iyo haddana dhimashadiisa ay u qaadan la’dahay.

Waxayna intaa raacisay “haddii uu qof dhinta dhimashadiisa waxaad kaga sabreysaa meydkiisa oo aad aragto oo aad aasato” balse taa ma dhicin.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabadha uu guursan lahaa Khaashuqji: “xitaa isma macasalaameynin”

Sida oo kale waxaa la qorsheynayaa munaasabado looga duceynayo khaashuqji in lagu qabto magaalooyinka Washington, London iyo Paris.

Arrintani ayaa waxay imaneysa maalma un kaddib marki uu magaalada Riyaad uu shir Jaraa’id ku qabtay ku xigeenka dacwad oogaha Sacuudi Carabiya , Shalaan bin Rajih Shalaan, uuna sheegay in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda Istanbul markii uu dhintay.

“Khaashuqji ayaa lagu duray cirbad sun ah, kadib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar” ayuu ku sii daray.

Wuxuuna dacwad ku soo oogay 11 qof oo uu ku eedeyey dilka, wuxuuna maxakamadda vweydiistay in 5 ka mid ah dil lagu xukumo.

Kiiska ayaa loo wareejiyey maxkamad, halka baaritaanka 10 kale oo la tuhunsanayaal ahna la sii wado.

Lahaanshaha sawirka
AFP

Image caption

Ku xigeenka dacwad oogaha Shalaan bin Rajih Shalaan,

Mr Shalaan ma uusan sheegin magacda shaqsiyaadka uu dalbaday in xukun dil ah lagu fuliyo.

Khaashuqji oo wargeyska Washington Post ku lahaa maqaal billa ah ayaa la waayey xilli uu qunsuliyadda dalkiisu uu ku leeyahay Istanbuul u raadsaday waraaqo la xiriiro guurka.

Saraakiisha Turkiga ayaa waxay ku adkeysanayaan dilka Khaashuqji inuu ahaa mid qorsheysan ayna fuliyeen xubno ka tirsan sirdoonka Boqortooyada Sacuudiga.

Lahaanshaha sawirka
Reuters

Image caption

Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga

Amir Maxamed, wiilka boqor Salmaanka Sacuudiga, ahna ninka la aaminsan yahay inuu Sacuudiga xukumo, ayaa beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa “dilka naxariis darrada ah oo aan sinnaba qiilka loogu samayn karin” ee loo geystay Wariye jamal Khaashuqji.



Source link

Ra'isal Wasaaraha Ingiriiska oo xisbigeedu doonayo in codka kalsoonida loo qaado


Theresa May

Lahaanshaha sawirka
Reuters

Image caption

Theresa May

Xubnaha hormuudka u ah in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub ee ku jira golaha wasiirada ayaa taageero la garab joogsaday Theresa May, iyada oo ay socdaan isku dayo lagu doonayo in xilka lagaga qaado.

Micheal Gove ayaa sheegay in uu kalsooni “buuxda” ku qabo May, waxaanu xaqiijiyey in aanu yeeli doonin sida dhawr wasiir oo hore iska casili dooni xukuumadeeda.

Liam Fox oo isna ka tirsan xukuumadda May, ayaa xildhibaannada [xisbigeeda] ee baarlamanka ku boorriyey in ay taageeraan qorshaha heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ra’isal wasaaraha, waxaanu yidhi “heshiiska haatan la soo badhigay wuxu dhaamaa heshiis la’aan”.

Is casilaadii Dominic Raab ka dib, waxa ay Ra’isal Wasaaruhu wasiirkeeda wada xaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub u magacawday wasiirkii caafimaadka Steve Barclay.

Ninkaas oo ahaan jiray sarkaal sare oo bakiyada ka soo shaqeeyey ayaa taagersanaa ka bixitaanka Midowga Yurub markii aftida la qaadayey 2016-kii, welina sideedii sanadood ee uu ka midka ahaa xildhibaannada xisbiga muxaafidka ah baarlamanka ugu jira kama uu hor iman qorshayaasha dawladda.

Golaha wasiirada Britain oo taageeray heshiis ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub

Midowga Yurub oo ka soo horjeesatay qorshaha Theresa ee ka bixitaanka Yurub

Isku shaandhaynta kooban ee ay Ra’isal Wasaaruhu samaysay waxa kale oo ay ku magacawday Amber Rudd oo haatan noqon doonta wasiirka shaqada iyo daryeelka hawlgabka, waxaana xilkaa iska casishay Esther McVey Khamiistii.

BBC-da ayaa ogaatay in gudoomiyaha xildhibaannada xisbiga ugu jira baarlamanku ay suurto gal tahay in uu qabto shir ay iskugu iman doonaan wasiirada taageersan ka bixitaanka Midowga Yurub hase yeeshee heshiiska ay Ra’isal Wasaaruhu doonayso in ay saxeexdo ka webaya.

Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka.

Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqooyiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda.

Waxay xustay in go’aankan uu yahay khiyar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland.

Madaxa gudiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub Guy Verhofstadt ayaa sheegay in heshiiskan “uu suragal ka dhigayo ka bixitaan UK ee Midowga Yurub.

Trump oo sheegay in Maraykanka iyo Midowga Yurub colloobeen.

Midowga Yurub oo ku kala qaybsan arrinta muhaajiriinta

Mrs May ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah ay hadal ka jeediso baarlamaanka dalka Britain.

Heshiikan qabyada ah ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub oo ka koobna 585 bog ayaa imika la daabacay.

Ra’sul wasaaraha ayaa cadaadis adag oo ku saabsan heshiiska kala kulmaysa mucaaradka.

Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu tageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub.



Source link

Maraykanka oo dacwado kusoo oogaya aas aasaha barta internet-ka WikiLeaks ee Julian Assange


Julian Assange.

Lahaanshaha sawirka
AFP

Image caption

Julian Assange.

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Waaxda Cadaaladda ee dalkaas ay diyaarinayso dacwado kadhan ah aas aasaha barta internet-ka ee WikiLeaks, Julian Assange.

Mr Assange ayaa sanadkii 2012-kii u cararay safaaradda Ecuador ay ku leedahay London si uu uga baxsado eedaymo waqti dheer loo haystay oo la xiriira xad gudub dhanka galmada ah halkaas ayuuna joogay asagoo cabsi ka qaba in loo gacan galiyo Maraykanka.

Ma cadda waxa ay noqon doonaan dacwadaha uu wajihi doono Mr Assange.

Si kastaba ha ahaatee, baadhitaanka Maraykanka uu wado ee ku aaddan faragalinta Ruushka ee la sheegay in uu ku sameeyey doorashooyinkii Maraykanka ayaa soo jeediyey in WikiLeaks ay sirdoonka Ruushku u adeegsadeen in ay ku faafiyaan macluumaad la jabsaday.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in Ruushku uu uga gollahaa faragalinta doorashada in Donald Trump uu ka caawiyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadii 2016-kii. Ruushka ayaase beeniyey dhammaan eedaymahaas.

WikiLeaks ayaa daabacday kumanaan farriimood oo dhanka internet-ka ah oo laga jabsaday xisbiga Dimuquraadiga intii uu socday tartankii madaxtinimada ee u dhexeeyey Mr Trump iyo Hillary Clinton.

Ma cadda in ay jiraan wax dacwado ah oo kadhan ah Mr Assange oo la gudbiyey.

Mid kamid ah qareenada Mr Assange ayaa u sheegay wargayska the Guardian in qof lagu dacweeyo xog sax ah oo uu daabacay ay tahay” waddo halis ah oo kadhan ah dimuquraadiyadda”

” Warka sheegaya in dacwado fal dambiyeed laga gudbiyey Mr Assange waa mid walaac leh oo hawtul hamag ah” ayuu yiri Barry Pollack

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in saraakiisha Maraykanku ay aad ugu kalsoon yihiin in Mr Assange la xiro oo lagu maxkamadeeyo Maraykanka.

Horraantii sanadkan xukuumadda Britain ayaa sheegtay in Ecuador ay kala hadlayso waxa uu mudan doono Mr Assange.

Madaxweynaha Ecuador Lenin Moreno ayaa sheegay in aanu u “garaabayn” hawlaha uu wado Mr Assange wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay “dhagax kabahooda galay”



Source link

Midowga Yurub oo ka fiirsanaya xiriirka uu laleeyahay Tanzania


John Magufuli

Lahaanshaha sawirka
AFP

Image caption

John Magufuli

Midowga Yurub ayaa dib u eegis ballaaran ku samaynaya siyaasadihiisa ku aaddan dalka Tanzania sababo la xiriira wax uu Midowgaasi ku tilmaantay “Xuquuqda aadanaha iyo sarraysta Sharciga oo sii xumaanaya”.

Bilihii u dambeeyey, waxaa hoggaanka madaxweyne John Magufuli soo foodsaaray eedaymo gudaha ah iyo kuwo caalami ah oo la xiriira cabburinta mucaaradka iyo afqabashada xorriyadda hadalka.

Tallaabadan ugu dambaysay ee ay qaadeen deeq bixiyeyaasha reer galbeedku ee ay uga golleeyihiin inay si qoto dheer u qiimeeyaan xiriirka ay la leeyihiin Tanzania la yaab kuma noqoneyso madaxweyne Magufuli.

Horaantii bishan, Midowga Yurub ayaa u yeertay ergaygeeda Tanzania, taas oo ay uga jawaabayso ugaarsiga lagu hayo dadka isku jinsiga ah ee is guursada. Isniintii, Baanka Adduunka ayaa ka laabtay dayn waxbarasho oo gaaraysa $300 oo milyan oo Tanzania la siin lahaa, sababo la xiriira siyaasadda lagu muransan yahay ee ay Tanzania gabdhaha da`da yar ugu diidday inay iskuulka ku laabtaan marka ay dhalaan kaddib.

Maalintii shalay ahayd, Denmark, oo ka mid ah dayn bixiyeyaasha ugu waaweyn ee Tanzania daymaha siiya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay $9.8m oo gargaar ah oo ay siin lahayd Tanzania.

Xiriirka gurracan ee u dhaxeeya Tanzania iyo diblumaasiyiinta ayaa u muuqda inuu meel xun gaaray, kaddib markii Paul Makonda oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Magufuli, isla markaana ah duqa magaalada caasimadda ah ee Dar es Salam uu sheegay inuu u xil saari doono koox ugaarsata dadka isku jinsiga ah ee is guursada.

Dowladda ayaa sheegtay in Makonda uu fekerkiisa cabirayay, taas oo aan ku salaysnayn siyaasadda dowladda.

Tallaabooyinkii adkaa ee uu Magufuli uga hortagayay musuqmaasuqa sanadkii 2015 markuu talada dalkaas qabtay ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, balse dadka wax falanqeeya ayaa ku doodaya in dulqaad la`aanta uu u hayo mucaaradka iyo warbaahinta ay carqaladayn karto kalsoonida ay reer galbeedku ku qabaan maamulkiisa.

Dagaalkan u dhaxeeya Magufuli iyo beesha caalamka ayaa dharbaaxo kulul ku ah dhaqaalaha Tanzania, iyadoo ku dhowaad kala bar qorshe maaliyadeedka dalkaas uu ka yimaado gargaar dibadda uga yimaada.



Source link