Maxay tahay sababta Itoobiya oo xeeb la’aan ah u sameysanayso ciidamo badeed?


Alexander DestaLahaanshaha sawirka
Imperial War Museum

Image caption

Alexander Desta

Markii ay Eritrea ay xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxa ay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday talaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda.

Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig baddeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yiri “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo baddeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”.

Maxaa kalifay tallaabadan?

Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yiri in ciidammada ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna sameeyaan isbadalada loo baahanyahay.

  1. Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ‘hal dal’ laga dhigayo
  2. Soomaali iyo Itoobiyaan si ula kac ah badda loogu daadiyay markii labaad
  3. Itoobiya iyo Eritrea : Labadii nin ee bidaarta lahaa ee shanlada ku dagaalamay

Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aysan isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii horey loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato.

Dhawaan waxa ay Itoobiya heshiis la saxiixatay Jabuuti, kaas oo ay ku heshay saami ka mid ah dekad halkaas ku taala.

Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degsato ama dhoofiso.

Waxaa jira qad tareen oo isku xira labada dal kaas oo dhan 759 km, kaas oo sahlay in badeecooyinka iskaga kala gooshaan labada dhinac.

Balse Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaala.

  1. Wabiga adduunka ugu dheer oo soo cimri gaabanaya
  2. Seddax arrimood oo ku saabsan go’aankii baarlamaanka ee Qalbi Dhagax
  3. Midawga Afrika oo ergo xaqiiqo raadis ah u diraya xadka Jabuuti iyo Eritrea

“Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan weyso waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yiri Roba.

Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan.

Lahaanshaha sawirka
AFP

Image caption

Abiy Ahmed

Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka.

Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tabobar xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000.

In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa bad waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale baddan.

Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo waliba maamulka jamhuuriyada iskeed gooni isu taagga ugu dhawaaqday ee Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga.

Dib uga fiirsashada Eritrea

Mr Abiy waxa uu sidoo kale ka shanqariyay in uu wadahadal la furayo dowladda Eritrea oo ay muddo dheer dagaashanaayeen, isaga oo sheegay in xitaa uu xiriir dhiig ka dhaxeeyo.

Lahaanshaha sawirka
AFP

Hadalkiisa ayuu ka dhabeeyay kadib markii uu ogolaaday go’aankii guddiga dhexdhexaadinta labada dal, kaas oo ahaa in Itoobiya ay ka baxdo magaalada Badme.

Balse si kasta oo uu u hagaago xiriirka labada dal, ma muuqato saansaan ah in ay soo dhowdahay in Itoobiya ay dekada Casmara ugu ugu tiirsanaan karto sidii hore oo kale.

Diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah Birhanesmeskel Abebe ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah, taasna ay keeneyso in ay yeelato meel u noqota saldhig ciidammada badda.

Waxa uu intaas ku daray in Jabuuti, Kenya ama Somaliland ay ka midyihiin meelaha suurtagalka ah ee saldhigaas laga samayn karo.

Mr Birhanemeskel ayaa yiri “Waa in dalalka geeska Afrika loo mideeyaa qaab dhaqaale, ciidammo badna mashruucaas ayuu qeyb ka yahay”.

Mr Abiy ayaa isbadello badan keenay tan iyo markii uu xilka qaaday, abuuridda dib u heshiisiinta qowmiyadaha dago gudaha dalka.

Dowladdiisa waxa ay soo afjartay xaaladdii degdega ee ka jirta dalka.

Suurtagal ma tahay in la hirgaliyo qorshahan?

Timothy Walker oo ka tirsan mac-hadla ISS ayaa qaba in Itoobiya ay tobonaan sano ku qaadan karto in ay dhisato ciidammo badeed, balse wuxuu qirey in ay samayn karaan laamo yaryar oo xagga badda ah..

Lahaanshaha sawirka
AFP

Waxa uu xusay in dalalka Afrika badankood aysan lahayn saldhigyo ciidan bad oo ku filan, kuwa lehna ay yihiin dalalka shisheeye ee xoogga baddan soo dul dhigay gobolk

Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay ka go’antahay in ay dhisato ciidamo badan.



Source link

Hablaha Soomaaliyeed ee ka howlgala xeebihii burcad baddeeda


.

Toddobaadkan waxaa toban sanadood jirsaday Ciidammada Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalayay badaha Soomaaliya.

Howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub wuxuu u muddadaas ka shaqeynayay sidii uu u dhowri lahaa qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee sannadkii 2008-dii kaas oo loogaga gol lahaa in lagu soo afjaro dhibaatada burcad badeedda Soomaalida.

Dadka deggan deegaannada ku teedsan xeebaha ee markii hore ay ka qaraaban jireen burcad badeedda ayaa ka faa’iidaysteen mashaariic horumarin ah oo ay Hay’adaha Qaramada Midoobay halkaasi ka fuliyeen.

Haweenka degan magaalo xeebeedka Eyl ayaa ka kalluumaysta hadda xeebihii ay ka howl geli jireen burcad baddeeda, Xaawo Mahad Faarax waxa ay ka mid tahay haween ay tababar siiysay Hay’adda Qaramada Midooobay ee FAO, “waayadii hore ee xoolaha la dhaqan jiray kalluunka lama danayn jirin balse kalluunka hadda waxa uu noqday wax fiican oo aad loo cuno, markii ay xoolaha iga dhamaadeen halkan ayaan soo aaday si aan ooga shaqaysto carruurta biilkooda aan ooga raadsado”.

  1. Madaxfurasho laga dalbaday markabkii lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya
  2. Tahriibayaal ku dhamaaday xeebaha dalka Yemen
  3. Soomaaliya: ‘Lahaysteyaal sheegay inay cuni jireen jiir’
  4. Maxay dalalka adduunka ugu loolamayaan Marinka Baabul Mandeb ?

Dadka Soomaalida ayaa wayadii hore waxay badanaa cuni jireen hilibka xoolaha marka hadda maxaa isbaddelay? Xaawo ayaa ka jawaabtay waxaa ay tiri”hadda si wanaagsan ayey Soomaalida u fahantay cunidda hilibka kalluunka, waayadii hore sanka ayaa laga qabsan jiray kalluunka balse hadda Soomaalida waa ay fahantay oo faa’iidooyinkiisa ayey fahmeen”

Hay’adda FAO, ayaa waxa ay u dhistay warshad dadka badda ka soo saaro khayraadka laga ganacsado ee ku nool magaalada, Yaasiin Jaamac Diiriye waa maamulaha warshaddaasi, waxaa uu yiri “warshaddaan kalluunka ee halkan laga hirgeliyey waxaan ka rajaynayaa in dumarka iyo dhalinyarada ay wax tar fiican u yeelato, “

Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee maamul goboleedka Puntland ayaa waxa caawimaad ka helaa dadka ka kalluumaysta badda, Daahir Faarax Xusseen waa agaasimaha tababarka ee wasaaraddaas “Anagoo kaashanayno hay’adaha Qaramada Midoobay sida FAO, wasaaradda waxa ay u taagan tahay siddii ay dadweynaha u caawin lahayd anagoo baahiyahooda gudbinayno marwalba”.

Madaxa hay’adda FAO, Michael , waxa uu ka waramay waxyaabaha ay hay’adooda u qabatay dadka ka kalluumaysto xeebaha Puntland, waxa uuna yiri ” waxan isku dayeynaa inan fursado badan bilaawno, si aan shaqo abuur u samayno dhaqaalana aan u gelinno bulshada si ay u helaan cunno ku filan, marka xeebaha Soomaaliya waxaa ku jira khayraad badan taa oo loo isticmaali karo mashaariic hormarineed”.

Waxaa dhawaanahan bulshada Soomaaliyeed ku soo badanaya dadka ka ganacsada khayraadka laga soo saaro xeebaha ku yaalla dalka.



Source link

Maxay waaliddiintan ugu oggolaadeen wiilkooda inuu shabeelka la cayaaro?


Tiago iyo shabeelkaLahaanshaha sawirka
Qoyska

Image caption

Sawirka Tiago oo shabeellada la jooga ayaa caan baxay – mid ayaaba u muuqda inuu hab siinayo

Waa sawir caan noqday – wiil ayaa isku sawiray meel ay biyo ku jiraan isagoo ay ku hareereysan yihiin labo shabeel – mid ka mid ah ayaa u muuqda inuu “hab siinayo” isagoo kaamirada eegaya.

Caannimada sawirka ayaa sababtay in su`aalo la iska weydiiyo sida loo rumeysan karo.

Si kastaba, waa dhab waana wax mar walba dhaca.

Tiago Silveira, wiilka sawirka ka muuqda, ayaa la noolaa oo la cayaari jiray nooc ka mid ah shabeelka tan iyo intii uu yaraa, markii uu joogay dalkiisa Brazil.

“Waxaa jira saaxiibbadeyda qaar oo ii sheega in sawirku uu been yahay, balse dad badan ayaa jecel oo doonaya inay sidoo kale la kulmaan shabeellada. Way wanaagsan tahay inaan khibraddeyda tuso dadka aan sideyda oo kale u nasiib badneyn,” 12-sano-jirkan ayaa sidaasi u sheegay Laanta Af-Burtaqiiska ee BBC.

Haweenay ul isaga difaacday shabeel soo weeraray

Shabeel dadcun ah oo maxkamad dil ku xukuntay

Wuxuu la soo koray bisadaha waaweyn

Waaliddiinta Tiago, Leandro Silveira iyo Anah Jacomo waa saynisyahanno bayolojiga ku takhasusay waxayna ka tirsan yihiin Machadka Shabeelka ee Brazil (IOP) ee ku yaalla gobolka Goias.

Ujeeddadooda ugu weyn waa in daraasad lagu sameeyo lana dhowro bisadda ugu weyn ee ku nool dhulka Ameerika.

“Wiilkeyga wuxuu ku dhashay deegaan uu shabeel ka buuxo wuxuuna bartay sida loola dhaqmo tan iyo intii uu carruur ahaa. Dabcan uma wada afsaxno, laakiin wuu bartay sida loola dhaqmo. Caadi ayay asaga u tahay,” ayuu yiri Silveira, oo markii ugu horreysay soo dhigay sawirka.

“Waa qayb ka mid ah noloshiisa, waxba taas kuma jabna.”

Lahaanshaha sawirka
Qoyska

Image caption

Waaliddiinta Tiago ayaa ka shaqeeya daryeelka nooc shabeelka ka mid ah oo ku nool galbeedka Brazil

Markii uu Tiago dhashay, waaliddiintiisa waxay haysteen saddex shabeel oo dhal.

Safarrada ay waddooyinka ku maraan waxaa ka mid ahaa inay hakadaan oo ay masaasad ku quudiyaan dhammaan afarta shabeelka dhalka ah, kuwaas oo safarrada ay u kaxaysan jireen.

Wiilka ayaa aaminsan inuu aqoon u leeyahay la dhaqanka shabeellada.

“Waa xiriir ku dhisan jaceyl iyo xushmad. Waxaan mar walba jeclaa inaan waaliddiinteyda ka caawiyo xannaaneynta xayawaannada.”

Lahaanshaha sawirka
Keydka Qoyska

Image caption

Tiago ayaa waxaa la baray xadka la dhaqanka xayawaannada

Silveira ayaa wiilkiisa baray isla casharkii la baray bulshada ee ku saabsanaa la dhaqanka shabeelka.

“Xayawaannadu ma ugaarsadaan bani`aadamka. Waxay ka falceliyaan dhaqankeenna, marka waa muhiim in la tixgeliyo. Waxay kuu muujinayaan inaad agtooda imaan karto iyo in kale,” saynisyahanka ayaa sidaa yiri.

Xudduudaha

“Waa muhiim in la barto xudduudaha. Marka ay doonayaan inay is muujiyaan, way soo baxayaan. Ma aha xayawaanno bulshaawi ah, balse waxay aadmiga la yeeshaan xiriir dheer.”

Hooyada Tiago ayaa sheegtay in weligood aysan wax dhib ah ka dhex dhicin wiilka iyo shabeellada – Anah ayaa sidoo kale sheegtay inaysan weligeed wiilkeeda keligii uga tegin xayawaannada.

“Mar walba waan ka taxadareynay shabeellada iyo xayawaannada kaleba. Shuruucdeenna badbaadada way cad yihiin.”

Lahaanshaha sawirka
Qoyska

Image caption

“Waxaan doonayaan inaan waaliddiinteyda ka caawiyo shaqada, marka aan weynaado,” ayuu Tiago yiri

Xarunta daryeelka ayaa waxay ku fadhisaa dhul cabbirkiisu yahay 123 acre, waxaana iska leh Silveira iyo Jacomo, kuwaas oo aan oggoleyn dalxiisayaasha, iyagoo xayawaannada xushmeynaya.

Waxay machadka IOP aasaaseen sanadkii 2002 waxayna markii hore keliya doonateen inay daraasad ku sameeyaan shabeellada, balse markii dambe way beddeleen go`aankooda kaddib markii ay waaxda deegaanka ee Brazil ka codsadeen xannaaneynta dhalka shabeelka ee ay waaliddiintoodu dhinteen.

Lahaanshaha sawirka
Keydka Qoyska

Image caption

In ka badan 30 xayawaan ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay soo maray xarunta daryeelka ee waaliddiinta Tiago

Sida uu sheegay Silveira, 95% ay qarashka howlaha daryeelka xaywaannada iyagu bixiyaan, halka inta kalena ay deeq ahaan ku soo gaarto.

Haatan, qoysku wuxuu xannaaneeyaa 14 shabeel, oo ay ku jiraan afar dhal ah iyo siddeed waaweyn.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, qoysku wuxuu xannaaneeyay 35 xayawaan.

Shabeellada ayaa aalaaba loo diraa machadyo ka hortaga inay dabar go`aan.

Shabeelladan waxay ku jiraan liiska xaywaannada khatarta ugu jira inay dabar go`aan.

Inkastoo ay ku nool yihiin 21 dal, Brazil waxaa la rumeysan yahay inay ku nool yihiin qiyaastii kala bar inta harsan (20,000 ilaa 30,000 oo xayawaanno ah).

Lahaanshaha sawirka
Keydka Qoyska

Image caption

Dhal shabeel oo badan oo qoyska Tiago uu drayeelo waa rajo kaddib markii hooyooyinkood ay dileen beeralley

Si kastaba, kuwa labka ah ee la keeno xarunta IOP laguma celiyo duurka, iyadoo laga cabsi qabo inay dadku dilaan, gaar ahaan beeralleyda ka ceshanaya xoolahooda.

Sabab kale waxay tahay in xaywaannadaas ay in badan la dhaqmeen bani`aadamka.

“Aad ayay u adag tahay in xayawaannadaas ay lumiyaan xiriirka ay la leeyihiin bani`aadamka. Haddii la sii daayo, waxay aadayaan meesha ay dadku joogaan waana la dilayaa” Jacomo ayaa sidaa tiri.

Lahaanshaha sawirka
Keydka Qoyska

Image caption

Tiago oo waxbarasho ku jira ayaa keliya maalmahan arka saaxiibadiisa shabeelka saddexdii biloodba mar

Sanadkii hore, Tiago iyo shabeelka ayaa kala baaday – waxaa loo wareejiyay caasimadda gobolka Goiania si uu waxbarashadiisa dugsiga sare uga sii wato.

Aad ayuu ugu xiisaa shabeelka.

“Way igu adag tahay maxaa yeelay waan la noolaa tan iyo carruurnimadeyda. Mar walba oo aan waaliddiinteyda booqdo waxaan dareemaa in shabeelladu ay sidoo kale ii xiiseen – siyaabo kala duwan ayay igula cayaaraan,” ayuu yiri.

“Waa wax lagu farxo kolley, inay ka abaal celiyeen jaceylka iyo xiisaha aan u hayo ayaga.”

Sawirka caan baxay ayaa la qaaday 15 November.



Source link

Macron oo ugu dambayntii ka jawaab celiyay cabashada shacabkiisa


.Lahaanshaha sawirka
Reuters

Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaa ballan qaaday in uu mishaarka kordhin doono sidoo kalana canshuuta la dhimmi doono, taasi oo jawaab u ah khalalaasihii toddobaadyadii la soo dhaafay daashaday dalka faransiiska.

Madaxweynaha oo ka hadlayay telefishinka ayaa cambaareeyay khalalaasihii ka dhacay dalka, balse waxa uu sheegay in marka si loo eego ay ahaayeen suuragal.

“Mushaarka ayaa lagu dari doono €100 laga bilaabo sanadka 2019-ka” ayuu yiri Mr Macron.

Qorshe loogu kordhin rabay canshuurta dadka dan yarta ah ayaa la meesha laga saraay balse madaxweynaha waxa uu diiday in canshuurta sidii hore loogu soo celiyo dadka maalqabeenka ah.

Muxuu Macron ka yiri dibadbaxyada?

Mr Macron ayaa aqbalay in dad badan aysan ku farax sanayn xaaladda ay ku noolyihiin ayna dareemeen in aan la dhagaysan cabashadooda balse Mr Macron, ayaa markii hore aad u dhaleeceeyay dibadbaxyada hareeyay waddankiisa.

Xilliyadii ay dibadbaxyada dheceen iyo dadkii ku wax yeeloobay

17 November: 282,000 dibedbaxayaal- hal qof ayaa ku dhintay, 409 ayaa ku dhaawacantay- 73 ayaa cabsiga loo taxaabay.

24 November: 166,000 dibedbaxayaal – 84 ayaa dhawaacantay- 307 waa la xiray.

1 December: 136,000 dibedbaxayaal -, hal qof ayaa ku dhintay -263 dhaawac ayaa soo gaaray- 630 xabsi ayaa la geeyay.

8 December: 136,000 dibedbaxayaal – 118 waa ay dhaawacantay- 1,220 xabsiga ayaa la dhigay



Source link

Magacyada dadkii ku dhintay weerarkii Gaalkacyo


Sheekh Cabdiweli

Image caption

Sheekh Cabdiweli

BBC-da waxaa u suurogashay inay hesho magacyada qaar dadkii shalay ku dhintay weerarkii lagu qaaday xarun Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare uu ku lahaa magaalada Galkaacyo halkaaso ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta.

Cabdi Naafac sh Kulli sh Caalam oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka ayaa BBC-da u sheegay in hadda uu ku sugan yahay xaruntii lagu qaaday weerarka isla markaasna uu dhaawac yahay.

Wuxuu sheegay in qaar kamid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta ay dhinteen.

“Xarunta waxaa joogay ku dhawaad 130 qof markii weerarka lagu soo qaadayay” ayuu yiri Cabdi Naafac.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah:

Shiikh CabdiWeli Shiikh Cali Cilmi Yare wadaadkii xarunta lahaa ee la weeraray.

Farxaan Garyare Cali: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta.

Suudi Cabdi Kulane: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta.

Ceynaanshe Shikh: Wuxuu kamid ahaa dadkii qasaa’idka qaada jiray wuxuu sidoo kale garaaci jiray qalabka.

Maxamed Qaliif Axmed: Qasaai’dka ayuu qaadi jiray.

Sayad Bakar Shiikh Cabdi:Wuxuu ahaa sawir qaade ka tirsan xirta.

Cabdi Mahad Cali Abshir: Durbaanka ayuu garaaci Jiray xiliyada loo baahdo.

Waa kuma Sh Cabdiwali oo maanta Gaalkacyo lagu dilay?

Fatwo laga soo saaray ninka lagu eedeeyay in uu nabiga aflagaadeeyay

Shiikh Cali Shiikh Maxamed Cismaa: Culimada u adeega Shiikha la dilay.

Cabdinuur Shiikh Cabdulweli Shiikh oo uu dhalay shiikha xarunta lahaa ahaana wiil , qasiidooyinka qaadi Jiray.

Dumarka Ku dhintay qaraxa

Waxay isugu jireen kuwo u adeega Shiikha Iyo kuwa qasiidooyinka wax Ka Qaadi Jiray.

Nasra Sh.Cabdulwali shiikh Cali

Xamdi xasan Sh.Axmed

Xaawo cabdi Kulane

Bilsan Shiikh

Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Alshabaab digniin ugu dirty.



Source link

Dibiga ugu weyn Australia oo cid gowracda la waayay


Lahaanshaha sawirka
GEOFF PEARSON

Image caption

Dibiga ayaa la waayay cid iibsata

Dibigan ayaa daaqa cawska, isagoo joog ahaan ka sareeya lo’da kale ee lagu xanaaneeyo galbeedka dalka Australia. Culeyska dibigan oo gaaraya 1,400 kilo, isagoo dherarkiisu na yahay 6 fiit, da’diisu na tahay toddobo sano ayaa waxaa la rumeesanyahay inuu yahay dibiga ugu weyn dalka Australia oo ay ku nool yihiin malaayin lo’ ah.

Ninka iskaleh dibigan oo lagu magacaabo Geoff Pearson ayaa bishii aynu soo dhaafnay mar uu damcay inuu xaraasho waxaa kawaanleyda ay shegeen in aysan xakameyn karin dibigan oo aysan gowrici Karin, madaama uu aad u weynyahay, waxaana taasi ay keentay inuu gowrac ka badbaado.

Dibigan ayaa waxaa haatan la sheegayaa in inta noolashiisa ka dhiman uu ku noolaan doono Preston feedlot ee dalka Australia.

Milkiilaha dibigan ayaa markii hore u soo iibsaday, si uu hordhaan ugu noqdo xoolaha kale, waxaana la dhufaanay ama laga tumay xininyaha da’diisu markay heyd sanad.

Ninka iskaleh ayaa sidoo kale sheegay in uusan wax dhib ah ku heyn dadka.

”Mar walba waxaa uu ahaa neef aad uga weyn lo’da kale, neefafkii lamidka ahaa iyagoo da’ yar ayaa la gowracay, isaga na beec ayaa lagu la’yahay, marka waxaana go’aansaday in faraha laga qaado” waxaa sidaasi saxaafadda u sheegay Mr Pearson oo ah ninka iskaleh dibiga.

Ninkan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ay ay soo mareen neefaf badan oo lo’ ah, uu na ogaaday in dibigan uu aad u koroya, haatan na uu ka quustay in la iibsado, madaama uu aad u weynaaday.

Mr Pearson oo xanaaneysta lo’ ay tiradeedu dhantahay labaatan kun ayaa sheegay in marnaba uusan ku fikirin in uu sidaasi u weynaan doono.

Sida lagu sheegay buug lagu keydiyo waxyaabaha taariikhiga, dibiga ugu weyn caalamka oo la cabiray sannadkii 2010-ka ayaa wxaaa lagu sheegay inuu yahay Bellino oo cabirka dherekiisu uu gaarayo 2.027m, kuna nool dalka Talyaaniga.



Source link

Xildhibaanad Safiya Cabid oo u ololeyneysa xeerka jinsiga


Baarlamaanka KenyaLahaanshaha sawirka
Reuters

Image caption

Baarlamaanka Kenya

Siyaasyiinta dalka Kenya ayaa ku qasban inay meelmariyaan hindise sharciyeed ogolaanaya in dumarka baarlaamanka ku jira ay noqdaan saddex melood labo haddii aan sidaas layeelinna uu dalku halis ugu jiro in uu galo qalalaase dastuur, sida ay ku hanjabeen xildhibaannada taageersan biilkaas.

“Way adagtahay in taageero loo helo laakiin waxaa gacan nagu siiyay hogaamiyeyaasha xisbiyadda sidda Madaxweynaha iyo hogaamiyaha mucaaradka oo dhamaantood la hadlay xildhibaannadooda si ay ugu sheegan halista dalka uu wajihi karo hadii la ansixin waayo qoondada haweenka,” ayay tiri Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaanad laga soo doorto deegaanka Ijaara oo BBC-da la hadashay.

Safiya ayaa sidoo kale sheegtay in ragga baarlamaanka ku jira ee ka soo horjeeda hindisahan ay ku doodayaan in dumarka ay helayaan kuraas aysan u tartamin waxaa kale oo ay sheegeen in hogaamiyeyasha xisbiyadda ay fursadan u adeegsan karaan inay ku soo magacaabaan qaraabadooda iyaga oo ka duulaya qoondada haweenka.

Inkastoo dastuurkii Kenya ee la ansixiyay sannadkii 2010kii uu dhigayo in jinsi qudh ah uusan noqon karin saddex meeloodoow labo ka mid ah wax kaste oo xubnaheeda la soo doorto ama la magacaabo, dumarka ayaa 22 xubnood hadda ku leh Aqalka Hoose ee baarlamaanka halka Aqalka sarana ay ku leeyihiin 31 xubnood.

Tan iyo sannadkii 2012 Maxkammadaha dalka Kenya ayaa ku amray baarlamaanka inay meelmariyaan hindise sharciyeedka jinsiyadda ama barlamaanku uu halis u gali doono in la kala diro. Dadaalada lagu meel marinayo sharcigan ayaana miro dhali waayay.

Hadii barlamaanka la kala diro, waxaa lagu qasbanyahay in doorasho guud la qabto iyadoo dalka Kenya sannadkii aynu soo dhaafnay ay ka dhacday doorashooyiin rabshado ay harereeyeen.

Baarlamaanka Kenya oo gacmaha isula tagay

Xildhibaanada labada aqal baarlamaanka Kenya oo la dhaariyay

Galabta ayaa la filayaa in baarlamaanka uu cod u qaado hindise sharciyeedka jinsiyadda, waxaana tallaabadan si dhaw ula socda shacabka Kenya oo ku rajo weyn in arrintan muranka badan dhalisay lasoo afjaro.

Maxkammada sare ayaa sannadkii 2017-kii sheegtay in Gudoomiyaha Maxkamadda sare laga codsan karo in uu Madaxweynaha kula taliyo in barlamaanka la kala diro hadii sharcigan la aansixin waayo.

Qoondada dumarka ku jira barlamaanka Kenya ayaa aad u hoosaysa marka la barbardhigo dalalka ku yaala bariga Afrika sidda Ethiopia. Sudan, Burundi iyo Rwanda sida ku cad ururka ay ku mideeysanyihiin barlamaanada caalamka.

Hindisahan waxaa taageero u muujiyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga halka tiro badan oo ka mid ah xilidhibaannadana ay cadeyeen in ay garab istaagi doonaan.

Lahaanshaha sawirka
Getty Images

Image caption

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo khudbad u jeedinaya baarlamaanka

Balse hindisahan ayaa sidoo kale wajahaya iska caabbin adag, oo waxaa laga cabsi qabaa in lagu guuldareysto sababo la xiriira in loo waayo taageeradii loo baahnaa.

Haddii hindisahan la meel mariyo wuxuu dhaqan geli doonaa doorashadda soo socota, waxayna ku qasbi doonta canshuur bixiyeyaasha in ay dhiibaan mushaharaadka iyo gunooyiinka xubnaha cusub ee baarlamaanka.



Source link

Ma la soo afjaray Khilaafkii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada?


.

Image caption

Guddoomiyaha aqalka sare

Mas’uuliyiinta Maamul goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay hadalkii shalay ka soo yeeray guddiga aqalka sare ee loo xil saaray xallinta khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kuwaasi oo ku dhawaaqay in la soo afjaray khilaafka.

Natiijada ay shaaciyeen guddiga waanwaanta ka dhex waday labada dhinac ayaa u muuqatay hadal aad loo sugayay , hase ahaatee waxaa su’aalo badan la iska weydiinayay in cid walba ay ku qanacsantahay.

Isla shalayba waxaa soo baxday in maamulka Jubaland uusan la dhacsaneyn mowduuca guud ee bayaanka ay soo saareen guddiga aqalka sare o in muddo ah ba ku howlanaa sidii xal loogu heli lahaa ismariwaaga muddada dheer soo jiitamayay.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubaland Xirsi Jaamac Gaani oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in guddigu ay shaqo wanaagsan qabteen, balse aan wali la gaarin xal rasmi ah oo heshiis horseeda.

“War-murtiyeedkan waa bilow fiican oo sheegaya in wada hadal la furi doono, laakiin looma fasiran karo in la soo afjaray ama la dhammeeyay waxyaabihii la isku khilaafsanaa. Dabcan guddiga aqalka sare wuxuu tagi doonaa xarumaha dowlad goboleedyada, halkaas oo ay wada hadal kala sameyn doonaan arrimaha la isku hayo lana rajeynayo in qodobbada ay dowladda Soomaaliya fareen iney fuliso mooyee kuwa kale ay kala hadlaan dowlad goboleedyada ayna dhammeeyaan” ayuu yiri.

Gaani ayaa sidoo kale sheegay inuu jiray walaac ay ka qabeen sida ay heshiisyada ku hir gali karaan.

“Waa rajo fiican, wax badan ayaan raadineynay cid damaanad qaadda oo arrintan dhexdhexaad ka noqon karta, maadaama dowladda federaalka aysan meesha kasoo qaadin heshiis kasta oo la galo”.

Lahaanshaha sawirka
SBC

Image caption

Qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada

Maxa yihiin tabashooyinka dowlad goboleedyada ee ay soo gudbiyeen guddiga aqalka sare?

War-murtiyeedka ay shalay soo saareen guddiga aqalka ayaa lagu xusay ilaa 12 cabasho oo ay qabaan dowlad goboleedyada qeybta ka ah federaalka Soomaaliya.

8 ka mid ah tabashooyinka ayaa ah kuwo ay si wada jir ah u wadaagaan afarta maamul goboleed ee kala ah Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, halka 4 kalena ay yihiin kuwo ay mid mid u qabaan.

Tabashooyinka ay isla qabaan ayaa kala ah:

1-in la dedejiyo dhameystirka dastuurka federaalka.

2-in la billaabo dhismaha ciidanka qaranka iyo sugidda amniga.

3-in la dhiso guddiga garsoorka qaranka iyo in dib loo habeeyo waaxda garsoorka.

4-In loo howl-galo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5-In laga heshiiyo hannaanka doorashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha xisbiyada.

6-In la xoojiyo nidaamka federaaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

7-In la mideeyo qorshaha qaran ee la xiriira wax qeybsiga, mashaariicda iyo dhaqaalaha.

8-In aan la fara galin doorashooyinka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale qodobbada u gaarka ah mid kasta oo ka mid ah maamul goboleedyada ayaa kala ah in:

  • Jubaland ay dooneyso taageeridda ciidamada daraawiishta ee dhanka tayada iyo sugidda ammaanka.
  • Koonfur Galbeed ay dooneyso in lagala shaqeeyo sugidda amniga
  • Puntland ay dooneyso taageeridda ciidanka xoogga dalka, qeybta Puntland ee xagga mushaarka, tababarka iyo qalabka.
  • Galmudug ayaa dooneysa in lala dhiso ciidamo iyo in laga caawiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xal ma loo helay khilaafka?

Xubnaha guddiga aqalka sare ayaa shalay sheegay in wadada loo xaaray kulan ay heshiis ku kala saxiixanayaan labada dhinac, hase ahaatee dad badan ayaa wali u arka in arrintu aysan wali bislaanin, maadaama durba qaar ka mid ah maamul goboleedyada, gaar ahaan maamulka Jubaland uu ka fal celiyay kuna tilmaamay mid aan xal toos ah laga gaarin.

Sidoo kale waxaa maanta warsaxaafadeed ku saabsan warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay Aqalka Sare soo saaray golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo ay hadda isugu soo hareen saddexda maamul ee kala ah Jubaland, Galmudug iyo Puntland.

Image caption

Madaxweyne Xaaf

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha golahaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ah madaxweynaha Galmudug, ayaa lagu yiri: “Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG), isagoo tixraacaya warmurtiyeedkii uu soo saaray Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed kuna taariikheysnaa 24-kii Nofember 2018, kuna saabsanaa xal u helidda khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Haddaba, Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG), isagoo tixraacaya dadaalka uu muujiyay Aqalka sare ee BFS, asagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, uu ugu kuur galay halka uu salka ku hayo khilaafka soo kala dhex galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, wuxuu si kalsooni ku jirto u soo dhaweynayaa dedaalka iyo mowqifka uu qaatay Aqalka Sare ee BFS, taasi oo ah awoodda uu siinayo dastuurka, si ay dowlad goboleedyada u helaan matalaad dhab ah ee hannaanka federaalka.

Goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo aqalka sare ee BFS sidii xal loogu heli karo khilaafka jira oo salka ku haya sidii loo fulin lahaa wixii lagu ballamo oo ah dan Soomaaliyeed”.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka mas’uuliyiinta dowladda federaalka, oo ay mowqifkooda ku muujinayaan.

Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo ahaa mid dhowr soo noqnoqday ayaa gaaraya halkii ugu sareysay, waxayna labada dhinac ay hadallo kulul isku marsiinayeen warbaahinta.



Source link

Ninkan wuxuu gudaha kasoo garaacay naxashkii loogu waday qabriga


Hirpha NegeroLahaanshaha sawirka
SIBU SIRE COMMUNICATION

Image caption

Hirpha Negero

Dadka ku nool xaafad ku taalla dalka Itoobiya ayaa u dabaal dagaya wax u eg “qof dib u soo noolaaday” ka dib markii nin lagu tiriyay dhimasho uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro.

Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday maalintii Talaadada ahayd, abaare 10:30 barqanimo ee xilliga dalkaas.

Sida uu qabo xeerka dhaqan ee maxalliga ah, oo looga dhaqmo xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taasoo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan.

Saacad gudaheed, Etana Kena’a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Mr Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaas.

Hase ahaatee, intii ay socotay munaasabadda aaska, saacaddu markii ay ahayd abaare 15:30 galabnimo, ee wakhtiga maxalliga ah, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka.

‘Maalintii arooskayga ayaa la i kufsaday’

Calooshood u shaqaystayaasha Ruushka ee ku dhammaanaya Suuriya

“Dadka aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya”, ayuu yiri Mr Etana, isagoo sharraxayay sida uu Mr Hirpha caawinaadda ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka.

Ninka u muuqday inuu “dib u soo noolaaday” qudhiisa ayaa BBC-da la hadlay oo u sheegay waxa uu kula kulmay naxashka dhexdiisa: “Waxaan maqlay qof oynaya. Neefta ayaa igu xirmeysay waxaana isku dayayay inaan karfanta kala jeexo. Wax tabar ah ma aanan lahayn, mana awoodi karin inaan hadlo”. Ayuu yiri.

Ka dib wuxuu sheegay iney u suurta gashay inuu caawinaad dalbado. “Yaa jooga meeshan?”

Argagixii hore ka dib, tacsidii ayaa isu badashay dabaal dag.

Ninka qabriyada ka shaqeeya, oo ah Mr Hirpha abtigiis ayaa yiri: “Waxaan horay usoo aasay meydadka 50 ama 60 ruux. Waligey ma arkin dhacdo tan la mid ah. Wuxuu u muuqday inuu geeriyooday”.

Dr Birra Leggese ayaa BBC-da u sheegay in Mr Hirpha uu dabcan ku jiray “koomo aad u xeel dheer”.

Dhowr bilood ka hor, isla deegaan ka tirsan gobolka Oromia ayuu nin si iskiis ah u sheegtay nabinimo soo jiitay indhaha warbaahinta, ka dib markii uu isku dayay inuu dib u soo nooleeyo qof dhintay, isla markaana uu ku hungoobay.



Source link

Uhuru Kenyatta: Idinkuna Jaadka naga qaata annaguna Kalluunka noo keena


.Lahaanshaha sawirka
Reuters

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa intii uu socday shirkii maanta soo gabogaboobay ee Dhaqaalaha Biyaha waxa uu booqday goobtii lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya, wuxuuna ka yiri hadal kaftan-ah.

Sida ka muuqata muuqaal ay faafisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, mid ka mid ah hawlwadeenada goobta bandhigga ayaa madaxweynaha u sharaxayay kheyraadka kalluunka ee Soomaaliya, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”.

Kadibna Uhuru Kenyatta ayaa ku jawaab celiyay “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna qaadka naga dhoofsada”.

Qaadka ayaa ah 90% badeecooyinka ay u dhoofiso Soomaaliua, sannadkii horena waxaa kasoo galay lacag dhan Sh8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Kalluunka Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka
.

Inkasta oo inta baddan la sheego in kalluunka Soomaaliya si sharci darro ah loo guryo, haddane waxaa jirta xaddi yar oo ganacsato Soomaaliyeed ay u iib geyso dalka Kenya.

Sida aan ku faafinay warbixin bishii June ee sannadkan, ganacsato ku sugan magaalada Kismaayo ayaa BBC-da u sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay magaalada Mombasa u dhoofiyeen 47 tan oo kalluun ah.

Labadan dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis aan cago badan ku taagnayn oo iskaashi ganacsi ah, kaas oo illaa hadda la sheegay in dheelitirka uusan sax ahayn, una janjeero dhanka Kenya oo maalin kasta qaad aad u tiro badan u dhoofisa Soomaaliya.



Source link